Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Koongareeska ayaa ka dalbatay maamulka Trump in ay sharaxaan hawlgalka ICE ee ka socda gobolkeeda Minnesota ayna caddeeyaan sababta ay uga fiirsanayaan ka noqoshada ama ka laabashada sharciga TPS ee ilaaliya boqolaal Soomaali ah oo aan sharci haysan.
Ilhan Omar waxay codsiyadan ku dirtay laba warqadood oo loo gudbiyay Wasaaradda Amniga Gudaha Maraykanka (DHS), kaddib markii Madaxweyne Trump uu sii kordhiyay weerarrada hadalka ah ee uu ku qaadayo Soomaalida, oo ay ku jirto Ilhan Omar lafteeda, taas oo carruurnimadeedii ka soo qaxday Soomaaliya.
Trump ayaa horraantii bishan ku dhawaaqay in tallaabooyinka adag ee socdaalka (immigration crackdown) lagu ballaarin doono Minnesota, taas oo keentay cabsi ah in hawlgalladu si gaar ah u beegsadaan bulshada Soomaaliyeed, kaddib markii madaxweynuhu sheegay in Soomaalidu aysan waxba ku soo kordhin Mareykanka.
Mid ka mid ah warqadaha ay dirtay, Ilhan waxay ku sheegtay in kordhinta saraakiisha ICE ee Minnesota ay tahay fal si toos ah uga jawaabaya hadallada cunsuriyadda ah ee Trump u jeediyay dadka Soomaaliyeed, iyadana si gaar ah u khuseeya.
Sida ku xusan warqadda, muwaadiniinta ay matasho Omar iyo mas’uuliyiinta maxalliga ah ee Minneapolis iyo St. Paul waxay la kulmeen kala soocid cunsurid ah oo cad (racial profiling), isticmaal xoog aan loo baahnayn, iyo hawlo u muuqda in loogu talagalay baraha bulshada halkii ay ka ahaan lahaayeen kuwo ku habboon hay’ad sharci-fulin.
“Waxaan dalbanayaa jawaabo anigoo metelaya muwaadiniinteyda, kuwaas oo xuquuqdooda dastuuriga ah si maalinle ah loo xadgudbayo,” ayay ku qortay warqad ay u dirtay Xoghayaha DHS Kristi Noem iyo Kaaliyaha Xoghayaha Todd Lyons.
Ilhan Omar waxay DHS ka codsatay in ay sii deyso xog ku saabsan tirada dadka la qabtay intii uu socday Hawlgalka Metro Surge, oo ay ku jirto tirada muwaadiniinta Mareykanka ee la xiray.
Waxay sidoo kale ka dalbatay hay’adda faahfaahin ku saabsan diyaargarowga kordhinta ICE, hababka ay dadweynuhu ku soo sheegi karaan xadgudubyada suurtagalka ah ee xuquuqda, iyo kharashka la filayo ee canshuur-bixiyeyaasha.
“Haystayaasha TPS ee Soomaaliyeed, qaar ka mid ahna ay ku noolaayeen Mareykanka ku dhowaad soddon sano, waxay halkan ka dhiseen nolol, waxay bilaabeen ganacsiyo, waxay dhiseen qoysas, kana mid noqdeen xubno muhiim ah oo bulshooyinkooda ka mid ah,” ayay tiri Omar.
Soomaalida ayaa markii ugu horreysay la siiyay TPS sannadkii 1991, waxaana la kordhiyay sharcigaas 27 jeer. Hadda waxa ay ansax tahay illaa Maarso 17, 2026, taas oo keentay in Ilhan Omar ay weydiiso sababta maamulka uu uga fiirsanayo in la joojiyo ka hor waqtigaas.



