Home Wararka Maanta Ilhan Cumar oo ka jawaabtay tallaabadii ay xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada...

Ilhan Cumar oo ka jawaabtay tallaabadii ay xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada uga saaray Guddiga Arrimaha Dibedda,

0

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa ka hadashay tallaabadii xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada uga saaray Guddiga Arrimaha Dibedda, ayaga oo ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel.

Ilhaan ayaa sheegtay in ay u hadasho dadka dhiban ee caddaaladda raadinaya guud ahaan caalamka, howshaas ayay tilmaamtay in ay sii wadi doonto illaa ay dadkaas ka helayaan waxa ay raadinayaan, sida ay sheegtay.

Xubinnimada Aqalka Congress-ka ayay ku sheegtay in ay tahay mid ka tarjumeyso u hadlidda dadka ay wakiilka ka tahay iyo kuwa kale ee dhibaatooyinka la kulmaya balse aan heli karin meel ay kusoo bandhigaan, islamarkaana ay tallaabadan caburin doonin.

“Waan sii wadi doonnaa in aan u hadlo qoysaska caddaaladda raadinaya guud ahaan Caalamka, dabcan kama baaqsan doonno in aan codkooda noqdo dadka ku xareysan xeryaha qaxootiga iyo kuwa guryaha ku cabursan, halkaan uma imaan in aan aamuso ee waxa aan u joogaa in aan codkeyga muujiyo una hadlo dadkaas,” ayey tiri Ilhaan Cumar.

Ilhaan ayaa hore u sheegtay in qaar ka mid ah dadka dhaliila ee ugu horreeyo afhayeenka aqalka Congress-ka Mareykanka Kevin McCarthy uu isku dayayo in ay ka saaraan guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Congress-ka Mareykanka, taasi oo markii dambe uu Jamhuuriga u codeeyey.

Waxa ay sheegtay in sababta u weyn ee Kevin iyo qaar kamid ah dadka dhaliila u beegsanayaan ay tahay “waa Muslimad qaxooti ah kana soo jeeda Soomaaliya.”

Ilhaan ayaa sidoo kale waxay sheegtay in lagu eedeynayo inay neceb tahay Yuhuudda, iyadoo tilmaamtay in ay kala shaqeyso asxaabtayda iyo bulshadeeda si ay ula dagaallamto nacaybka Yahuudda.

Waxay sheegtay in qaar badan oo kamid ah xubnahan aysan rumaysnayn “in qof Muslim ah, qaxooti ah, Afrikaan ah, uusan xitaa joogin Congress-ka, iska daa inuu fursad u helo inuu ka mid noqdo guddiga arrimaha dibadda.”

In xildhibaano laga saaro guddiyada Aqalka ayaa ahayd wax aan horey u dhicin illaa Dimoqraadiga ay laba sano kahor u codeeyeen inay ka saaraan Marjorie Taylor Green oo laga soo doorto Georgia iyo Paul Gosar oo ka yimid Arizona, kuwaas oo kamid ah xubnaha Jamhuuriga ee midigta-fog.

Ilhaan ayaa ah mid kamid ah labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Congress-ka.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleAl-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii 2-aad ee weeraray xarunta G/Banaadir
Next articleMuxuu qabtaa Guddiga Awoodda Badan ee laga saaray Ilhaan Cumar?