Home Wararka Caalamka Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

0

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in lagaga masaafuriyo Maraykanka.

“Aniga iyo Elonba waxaan nahay soogalooti, waxayse u egtahay in midkeen dadaal u galay barashada shuruucda socdaalka ee waddankan. Guud ahaan, sharcigu waxa uu qof kasta siinayaa xuquuq, iyada oo aan loo eegin cida ay yihiin,” ayay tidhi Ilhaan Cumar.

Waxay sheegtay in haddii loo baahdo in qof la masaafuriyo uu marayo tallaabooyin sharci, sida in maxkamadi ay waaran u soo saarto, iyo in la maro habraacyo kale oo sharci ah. Balse anay suuragalayn in la iska abuuro xaalad cabsi-gelin ah.

Ololaha ay Jamhuuriyiintu ku doonayaan in Ilhaan Soomaaliya dib loogu celiyo ayaa sii xoogaystay, kaddib markii xildhibaan lagu magacaabo Brandon Gill, oo laga soo doorto gobolka Texas, uu shacabka ka codsaday inay saxeexaan codsi lagu masaafurinayo Ilhaan.

Dagaalka Ilhaan Cumar iyo Madaxweyne Trump ayaa billowday muddo-xileedkiisii hore, isaga oo marar badan nacayb gaar ah u muujiyay Ilhaan, xitaa wuxuu aflagaadeeyay Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay meel aan dowlad lahayn oo qasan Ilhaan awgeed.

Jamhuuriyiintu waxay Ilhaan Cumar ku eedeynayaan in kursiga ay ku fadhido ay ugu adeegto danaha Soomaaliya.

Ilhaan Cumar, oo ah gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah, madow ah, Muslim ah, ee ku biirta Koongaraska Maraykanka, ayaa wajahaysa cadaadis kaga imanaya kooxda Trump, waxayna weerarka lagu hayo ku tilmaantay mid cunsuriyad salka ku haya.

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ciidanka Puntland oo lagu weeraray buuralayda Xabley ee Gobolka Bari

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib weerar ay xalay kooxda Daacish kusoo qaadday deegaanka Xabley ee degmada

Ciidanka Ahlu-suna oo dib loo dhisayo si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro Al shabaab

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay jirto dib u howlgalinta ciidamadii Ahlu Sunna ee Gobolada dhexe ka xoreeyay Al shabaab kuwaasi oo kusoo

Caalamka:- Dibad -baxyo xoogan oo ruxay Gobolo ka tirsan Dalka Turkiga

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa ka qayb qaatay banaanbaxyo ka dhacay guud ahaan dalka Turkiga, kadib markii ninka ay sida weyn u loolamayaan madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan, xabsiga

Ku Dhawaad 145 Somali ku Xirneyd Libiya oo dib loogu soo Celiyay dalkooda

145 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya ayaa maanta dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, kadib muddo sanad ah oo ay xabsiyada Libya ku jireen. Muwaadiniintan, oo
Ad
Previous articleCiidanka Puntland oo lagu weeraray buuralayda Xabley ee Gobolka Bari
Next articleXasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab