Home Wararka Maanta Ilhaan Cumar oo Ka Farxisay Soomaalida Sharci darada ku Galay Maraykanka

Ilhaan Cumar oo Ka Farxisay Soomaalida Sharci darada ku Galay Maraykanka

0

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Aqalka Kongareeska Mareykanka ayaa qaaday tallaabo ay ku farxeen Soomaalida sharci la’aanta ku ah dalkaasi, kuwaas oo cabsi ka qaba in uu saameeyo go’aanka Trump ee masaafurinta muhaajiriinta.

Gabadhan oo asalkeedu yahay Soomaali ayaa kulan gaar ah la yeelatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida sharci darrada ah ku galay dalkaasi, waxayna kula talisay in aysan ka cabsan Laanta Socdaalka iyo Canshuuraha, xilli ay haatan hay’adaha dowladda Mareykanka sii wadaan ka hortagga socdaalka sharci darrada ah ee dalkaasi.

Sidoo kale, waxay intaasi ku dartay in aysan qasab ahayn in ay ka jawaabaan su’aalaha la weydiinayo, iyadoo usoo jeedisay in ay kaliya sheegaan in qareenkooda uu kula taliyay in aysan wax jawaab ah ka bixin sida ay ku yimaadeen Mareykanka iyo socdaalkooda.

Waxaa kale oo uu yiri: “Saraakiishayada booliisku lama shaqeyn doonaan sharci-fulinta federaalka ee ku xeeran sharciga socdaalka federaalka. Waxaan ku xoojinaynaa sharciyada gobolka iyo kuwa maxalliga ah halkan Minneapolis, waxaana sameyn doonaa sida ugu wanaagsan ee aan awoodno.”

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay haatan walaac xooggan iyo cabsi soo wajahday Soomaalida Mareykanka, gaar ahaan kuwa sharci darrada ah ku galay dalkaasi, kuwaas oo laga yaabo in uu saameeyo go’aanka uu qaatay Donald Trump ee lagu soo celinayo muhaajiriinta.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleJubaland oo ka hadashay Dagaalka looga Saaray Magaalada Baardheere
Next articleDowlada Soomaaliya oo Qaaday Talaabo Culus oo Maraykanka ay kaga Hortagayso aqoonsiga Soomaaliland