Xildhibaanadda laga soo doorto gobolka Minnesota ee ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, Ilhaan Cumar, ayaa makrii ugu horreysay ka hadashay khilaafka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Ilhaan oo ka hadleysay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegtay “in Mareykanku uusan taageersaneyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya”.
“Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan.” Ayay tiri.
Waxay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uga mahad celisay mowqifka uu arrintaas ka qaatay.
Heshiiskii is-afgarad ee 1-dii bishan ay gaareen Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa xiisad ka dhex abuuray dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.