Home Wararka Maanta IGAD oo Ku Baaqday Wadahadal iyo Is-xakameyn Xaaladda Koonfur Galbeed

IGAD oo Ku Baaqday Wadahadal iyo Is-xakameyn Xaaladda Koonfur Galbeed

0

Ururka Goboleedka IGAD ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

War-saxaafadeed kasoo baxay IGAD ayaa lagu muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan kororka xiisadaha, iyadoo dhinacyada oo dhan loogu baaqay inay muujiyaan is-xakameyn isla markaana ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta xaaladdu inay faraha ka baxdo.

IGAD waxay carrabka ku adkaysay in khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed lagu xalliyo wada-hadal loo dhan yahay, iyadoo la adeegsanayo hababka qaran ee horey u jiray, halkii laga dooran lahaa iska hor imaad ama tallaabooyin degdeg ah.

Sidoo kale, ururku wuxuu dib u xaqiijiyay taageeradiisa ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu fududeeyo dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo wada-hadalka si xal waara loo gaaro.

Hadalkan IGAD ayaa imaanaya xilli ay jirto dhammaan saxiibadda Soomaaliya ay ka walaacsan yihiin xiisada ka taagan degaanada Koonfur Galbeed.

Ad