Home Wararka Maanta Hub Caawa Ka Dagaaya Magaalada Muqdisho iyo Wadooyinka oo Xiran

Hub Caawa Ka Dagaaya Magaalada Muqdisho iyo Wadooyinka oo Xiran

0

Markab wada Shixnad hub ah oo ay leedahay dawladda Soomaaliya oo taagnaa biyaha Muqdisho ayaa hadda dajintiisa laga bilaabay dekeda, iyadoo loo daabulayo keydad hubeed oo ay dawladda faderaalka leedahay.

Hubkan ayaa qeyb ka noqonayo shixnado hub ah oo ay heshay dawladda Faderaalka, kaas oo ay bixiyeen dalalka Soomaaliya ka taageera dhinaca amniga, hayeeshee kan ayaa iskugu jira hub laga soo iibiyey Masar iyo qeyb ay bixisay, iyadoo hubab hore oo la keenay aan wali tixraac loo heynin sida loo isticmaalay, qaarna uu galay gacmaha kooxaha Argagixiso, sida uu sheegay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Jidka ka baxa dekeda Muqdisho ee taga Wasaaradda Gaashandhiga ayaa xiran, gaadiidkii u horeeyey ayaa hadda tagay xarumaha lagu dajinayo.

Ad
Previous articleWar Deg Deg AH:Gaari uu lahaa agaasimaha ciidanka PSF oo lagu rasaaseeyay gudaha magaalada Boosaaso