Home Wararka Somaliya Galmudug Howlgalkii Alshabaab looga Saari lahaa Galgaduud oo Maantay Dib Ubilowday

Howlgalkii Alshabaab looga Saari lahaa Galgaduud oo Maantay Dib Ubilowday

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgal xoogan ka wada Galgaduud iyo Sh/dhaxe, waxaana ciidamadu ay isku fidiyeen Aaga Ceelbacad iyo Ruunirgood oo sh/dhaxe ka tirsan.

Dhanka kale Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Ceeldheer iyo Mesagawey ayaa iyana isku fidiyay dhulka hoodka ah ee Galgaduud sida Shan-dhagood, saqiir abuur, Macalin abuukar iyo dhanka Xuseen Cagey.

Taliska ciidanka XDS ayaa Heegan galiyay dhamaan ciidamada XDS, waxaana qorshuhu yahay in la isku furo Magaalooyinka Galcad, Ceelbuur iyo Galhareeri, waxaana barbar soconaya diyaarinta dadka deegaanka.

Ad
Previous articleNISA oo weerar Ku Qaaday Oday Dhaqameed Ka Tirsanaa Beelaha Mudulood
Next articleUgaaska Cusub ee Beesha Xawaadle oo Si wayn loo Caleemo Saaray(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here