Home Wararka Maanta Howlgal Gaadmo ah oo alshabaab lagu Qaaday Iyo Khasaaro Culus oo Ka...

Howlgal Gaadmo ah oo alshabaab lagu Qaaday Iyo Khasaaro Culus oo Ka dhashay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor iyo guutada 14-ka October ee Xoogga dalka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay  deegaanka Jowhar-Awdheegle, halkaas oo ay isku uruursanayeen Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa kooxda ay weerareen, kadibna ay dileen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ku sugna halkaasi.

“Howlgal qorsheysan oo si wada jir ah ay u fuliyeen Ururka 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo Ururka 146-aad ee guutada 14-ka October oo kawada tirsan Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu khaarijiyay Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsan oo ay horjoogayaal ku jiraan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xubnaha Al-Shabaab ee la weeraray ayaa goobta uu howlgalka ka dhacay ku lahaa shir, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda, waxaana xog ka helay ciidamada uu sidaas duulaanka ugu qaaday.

Sidoo kale waxaa la fishiliyay dhagar ay maleegayeen xubnaha Al-Shabaab ee lagu beegsaday aagga degmada Awdheegle, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Howlgalka ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaanka Jowhar-awdheegle oo 5-KM ujira Degmada Awdheegle, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay Khawaarijta ka wadeen is Aruursi iyo Shirar ay ku Abaabulayeen dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.” Ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Waxaa qorshahoodii fashiliyay Geesiyaasha Qarankeenna oo u daatay, khasaarre kala duwanna gaarsiiyay Khawaarijta aan Arxanka laheyn ee Argagixisada ah.”

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Golaha Wasiirada oo Ku Dhawaaqay Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya
Next articleWaa kuma Jeneraal Asad Diyaano ninka Labadajeer Madaxweynaha Utartamay ee Maantay Lamagacaabay?