Home Wararka Maanta Howlgal Culus oo Durbiida Ka Bilowday Muqdisho kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh

Howlgal Culus oo Durbiida Ka Bilowday Muqdisho kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ballaaran oo xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu xaqiijinayey ammaanka.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga sameeyey xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi, waxaana horkacayey taliyaha saldhigga, Cabdullahi Xasan Cali.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa mid ka dhan ah kooxaha ciyaal weerarada ee inta badan dhibaatooyinka ka geysta gudaha magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay taliyaha baaritaanadan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo la’isugu geeyey hal goob, halkaas oo uu kula hadlay taliyuhu.

“Naftaada bad-baadi, annaga na bad-baadi, deegaanka bad-baadi, ha noqon caasi waalideyn intaas ayaa noo ballan ah,” ayuu yiri taliyaha Booliska Warta Nabadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in howlgalkan uu qayb ka ahaa ka hortagga kooxaha burcadda ee xilliyada habeenkii ah dhaca u geysta dadka shacabka ah.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray shacabka ku dhaqan degmada Warta Nabadda ee go wuxuuna ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey ciidanka dowladda ayaa xoojiyey howlgallada lagu sugayo amniga Muqdisho, maadaama ay marti-gelisay doorashadii Madaxweynaha ee Afisyoone.

 

 

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Sheegay inuu Baabiin Doono nidaamka 4.5
Next articleCiidamada Galmudug oo Gacanta Ku Soo Dhigay Gacan Ku Dhiigle Cabduqaadir Cali oo Xalay Dilay Marxuum Bare Cali Maax