Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysnaa oo aroornimadii hore ee saakay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda gobolka Hiiraan ka fuliyeen deegaanka Abooreey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.
Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay fariisin kooxda Al-shabaab ku laheyd gudaha deegaanka Abooreey, waxaana halkaas labada dhinac ku dhexmaray dagaal culus oo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab.
Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in weerarka saakay dhacay lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo magaciisa lagu soo koobay Abuu Xaniifa iyo Maleeshiyaad kale oo tiradoodu la xaqiijin.
Horjoogaha weerarka saakay lagu dilay ayaa wararku sheegayaan inuu ahaa ninka hoggaaminaayay ciidanka Al-shabaab ee gacanta ku haayo mudooyinkii lasoo dhaafay deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa shabakada HOL u sheegay in ciidanka Macawiisleyda iyo kuwa xoogga dalka iney ku sugan yihiin afaafka hore ee deegaanka Abooreey, islamarkaana ay qorsheynayaan weerar kale oo ay ku doonayaan iney kula wareegaan gacan ku heynta Abooreey.
Howlgalkaan aroornimadii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Abooreey ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay howlgalo noocaan oo kale ah ka dhaceen deegaano ku yaala xadka ay wadagaan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.