Home Wararka Maanta Horjoogayaal Sar sare oo Ka Tirsanaa Alshabaab oo Danab Khaarijisay

Horjoogayaal Sar sare oo Ka Tirsanaa Alshabaab oo Danab Khaarijisay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ciidanka kumandooska Danab ay saqdii dhexe xalay ka fuliyeen gobolka Galgaduud.

Howl-galkan oo si gaar ah ay ciidanka Danab uga fuliyeen deegaanka Gariile oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, ayaa waxay ku khaarajiyeen illaa 27 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

“Howl-galka ayay ciidanka ku dileen 27 Khawaarijta ka tirsan kuwaasi oo isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad sida ay warbaahinta ciidamadda qalabka sida u sheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Howl-galkan ayaa imanay maalin un kadib markii ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuw deegaanka iyo saaxiibada caalamka ay howlgal cir iyo dhul ahaa ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Howl-galkaas ayey dowladda sheegtay in lagu dilay 50 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, halka sidoo kale cagta la mariyay xarumihii ay isku aruursanayeen maleeshiyaadka la laayay.

Sidoo kale waxaa howl-galkaas lagu burburiyay gaari ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab, kaasi oo ahaa nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay laba jibaartay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, xilli bilihii lasoo dhaafay uu ku yimid hoos u dhac.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGolaha Wasiirada oo Isugu Yimid Kulan aan Caadi ahayn Ansixiyayna….
Next articleAmb. James Swan oo warbixin u gudbiyay golaha ammaanka ee arrimaha Soomaaliya kana hadlay qodobo xasaasi ah.