Home Wararka Somaliya Galmudug Hooyo Shan sano Ku aasnayd Qabuuraha Iskuul Bulisiyo Oo Maydkeeda Muqdisho Laga...

Hooyo Shan sano Ku aasnayd Qabuuraha Iskuul Bulisiyo Oo Maydkeeda Muqdisho Laga Dhoofiyay

0

Waxaa wali qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho ka socota in dadkii eheladooda halkaasi ku aasnaayeen kala baxaan, kaddib ammarkii kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadanaa in halkaasi laga saaro meydadka dadka ku aasan.

Dad badan ayaa saddexdii maalin ee lasoo dhaafay qabuuraha kala baxay qalfoofta ehelkoodii halkaasi sanadaha badan ku aasnaa, waxa ayna dib ugu aasayeen qabuuro kale oo ammaan ah .

Qoyska hooyo geeriyootay shan sanno kahor oo maanta haraadiga jirkeeda oo laga soo saaray qabuuraha Iskuul Buluusiya ayaa loo dhoofiyay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, halkaas oo mar kale la filayo in dib loogu aaso.

Ehelada marxuumad Warsan Xaaji oo shan sanno kahor lagu aasay qabuuraha Iskuul Buluusiya, ayaa sheegay in meydka kala soo baxeen qabuuraha, waxa ayna xuseen in ay u qaadeen halkii ay ku dhalatay oo ay sheegeen in aysan jirin cid meydkeeda kasoo saareysa mar kale.

Ad
Previous articleKooxda Xutiyiinta Yaman oo Hubsinaaya Kooxda Alshabaab iyo Wadahadalo U Furmay
Next articleXasan Shiikh oo Magacaabay Taliyayaal cuusb oo Ka Tursan Xooga Dalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here