Home Wararka Maanta Hooyo Rihana Omar oo lagu celiyey Sweden ka dib markii laga tarxiilay...

Hooyo Rihana Omar oo lagu celiyey Sweden ka dib markii laga tarxiilay Dhawaan

0

Hooyo Soomaaliyeed oo magaceeda lagu sheegay Rihana Omar ayaa dib ugu soo laabatay Dalka Sweden oo Dhawaan laga tarxiilay kadib go’an kasoo baxay laanta Socdaalka ee dalkaas

Hooyada ayaa saddex caruur ah ku dhashay Sweden oo ay joogtay muddo sanado ah laakiin sharcigeeda oo ahaa Italy ayaa keenay in laanta socdaalka amarto in dalka laga tarxiilo.

1-dii Bishan Maarso ayaa dib loogu celiyay Dalka Taliyaaniga hase ahaatee dowlada wadankaas ayaa diiday in dalkeeda u ogolaato hooyadan Soomaaliyeed.

Booliska Sweden ee Xuduudaha ayaa Rihanna dib ugu soo celiyay Dalka Sweden iyagoo Xitaa tikidka kasoo bixiyay Sida Rihanna u sheegtay warbaahinta.

Rihanna ayaa dooneysa inay la noolaato Caruurteeda iyo Ninkeeda oo heesta Sharciga Dalka Sweden kuna nool muddo dheer inkastoo ay cabaqado kala kulmeyso laanta socdaalka dalkaas.

Hooyada Caruurteeda iyo Aabahood ayaa ku nool magaalada Arvika halkaasoo kiiskooda ka furnaa Sanadihii ugu danbeeyay, Hay’ada Socdaalka ayaana ugu dambeyn Xukun Musaafurin ah u soo saartay Hooyadan Soomaaliyed inkastoo talaabadaas ay fashilantay.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Saakay aroortii Qaraxyo ku Weeraray Guriga Taliye Cabdiraxman Cali Waqooyi iyo Khasaaro ka dhashay
Next articleFaahfaahin; Alshabaab iyo Daacish oo Dagaal Culus Ka Dhex Qarxay