Home Wararka Caalamka Hoos u dhac ku yimid codsiyada cusub ee gunnada shaqo la’aanta ee...

Hoos u dhac ku yimid codsiyada cusub ee gunnada shaqo la’aanta ee Sweden

0

Hoos u dhac ayaa ku yimid tirada dadka cusub ee codsada gunnada shaqo la’aanta ee Sweden intii lagu jiray bisha Febraayo, marka loo eego bishii ka horreysay iyo isla muddada sanadkii hore.

Sida ay sheegtay ururka Sanduuqyada Gunnada Shaqo La’aanta ee Sweden, ku dhowaad 27,500 qof ayaa markii ugu horreysay codsaday gunnada shaqo la’aanta bishii Febraayo, sida ay baahisay wakaaladda wararka.

Tiradaas waxay ka dhigan tahay hoos u dhac ku dhow 18% marka loo barbar dhigo bishii Janaayo ee sanadkan, waxayna sidoo kale ka yar tahay qiyaastii 16% marka loo eego Febraayo 2025.

Ururka ayaa sheegay in hoos u dhacaasi uu ahaa mid la filayay, iyagoo tilmaamay in kororka la arkay bishii Diseembar iyo Janaayo uu inta badan la xiriiray arrimo xilliyeed (seasonal factors).

Sidoo kale waxay xuseen in jihada guud ee la arkay xilligii dayrta ee sanadkii hore ay muujinaysay in tirada codsiyada cusub ee gunnada shaqo la’aanta ay hoos u sii socoto.

Ad