Home Wararka Maanta Hoobiyayaal Saakay Lagu Garaacay Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo Xafadu...

Hoobiyayaal Saakay Lagu Garaacay Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo Xafadu uu ku Habsaday

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeaal oo maanta lagu qaaday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Madaafiicda ayaa lagu soo warramayaa inay qaarkood ku dhaceen guryo ay dagan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla agagaarka Ceelka Sablaale oo ka tirsan degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaareen hoobiyeyaashaas oo ku dhacay guryahooda, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga.

Sidoo kale weerarkan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ayaa cabsi xoogan ku beeray dadka deegaanka, maadaama ay kusoo waabariisteen dhawaqa hoobiyeyaal ku dhacaya Wadajir.

Ciidamada ammaanka oo sidoo kale goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah, kadib madaafiicda lagu gaaracay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan weerarkaas iyo sidoo kae howlgallada xigay.

Dhacdooyinkan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, xilli dowladda federaalka ay kordhisay howlgallada lagu sugayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo ciyaal weerarada ee ka socda caasimada.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab oo horay loogu jabiyay dagaallada tooska ah ee ka socda gobollada dalka ayaa haatan culeyska ugu xoogan soo saartay magaalada Muqdisho.

Dowladda Uganda oo ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka

Dowladda Uganda ayaa ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si loo soo afjari xiisad siyaasadeed ee ka dhexeysa Dowladda

Doonyo Hub u Siday Shabaab oo lagu Duqeeyay Biyaha Somaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay duqeymo dhanka cirka biyaha dalka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd Abriil 16, 2025 iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Duqeymahan ayaa

Madaxweynaha Mareykanka oo Kulan la yeeshay Raisal Wasaaraha Israel

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Talaadadan sheegay in wada hadal wax ku ool ah uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu. Madaxweynaha Mareykanka ayaa khadka teleefanka kula hadlay Raysal

Dowlada Israel oo Qiratay Dilka Samafalayaal lagu dilay GAZA

Milatariga Israel ayaa sheegay in “fashil xagga xirfadda ah” uu horseeday dilka 15 ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdegga ah ee Qasa bishii hore. Baaritaan lagu sameeyay dhacdadan oo ay

Galgaduud oo lagu dilay Taliyihii Hore ee Ilaalada Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa xaqiijinaya in xalay lagu dilay Alle ha u naxariistee Sade Daahir Caanood Gulaafe, taliyihii hore ee ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay degmo Dhawaan laga saaray Alshabaab
Next articleMadaxweynaha Puntland oo weji gabax iyo dhalleeceyn kala kulmay kulankii uu Dhawaan la Qaatay Beessha Caalamka