Home Wararka Caalamka Hoggaamiyihii Iran mar laga jeclaa oo mar kale u tartamaya madaxtinnimada dalkaas

Hoggaamiyihii Iran mar laga jeclaa oo mar kale u tartamaya madaxtinnimada dalkaas

0

Madaxwaynihii hore ee mayalka adkaa ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad, ayaa isu diiwaan galiyay inuu yahay musharax, taas oo kordhinaysa suurtagalnimada in uu mar kale isu soo taago jagadaasi. Waa qofka ugu caansan ilaa hadda ee booskan loo diwaan geliyey.

Doorashada ayaa qabsoomi doonta ka dib geeridii madaxweyne Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed, bishii la soo dhaafay.

Mr Ahmadinejad waxa uu madaxweyne ka ahaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran muddo sideed sano ah isagoo ka soo talinayay tan iyo 2005-tii ilaa 2013-kii.

Waxa uu caan ku yahay oo lagu yaqaan taageeradiisii ku aaddaneed barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, wuxuuna ku tilmaamaa xasuuqii nazi-ga mid khuraafaad ah.

Golaha Ilaalada ee uu hoggaamiyaan wadaaddada Iran ayaa kala saari doona musharaxiinta ka hor inta aysan daabicin liiska u danbeeya muddo toban maalmood gudahood ah.

Golaha Ilaalada ayaa hore mar uga mamnuucay inuu ka qeyb galo doorashadii 2017, sanad ka dib markii hoggaamiyaha sare ee Ayatollah Ali Khamenei uu uga digay inuu galo doorashadaas taas oo “aan ahayn mid isaga iyo dalkaba dani ugu jirto”.

Doorashada dalka Iran ayaa dhici doonta dabayaaqada bishaan.

Kuma ayuu ahaa Ahmedinejad?

Madaxweynihii hore ee Iran Maxamuud Axmadinejad, ninkii hoggaanka waddankaas hayey muddo 8 sano ah, wuxuu saaxadda siyaasadda ka maqnaa tan iyo markii uu xilka uu ka degey, wuxuuna dib ugu laabtay xirfadiisii macallinimada.

Muddadaas uma uusan dhaqmayn sida lagu yaqaanno madaxda dalalka saliidda qaniga ku ah ee Carabta. Wuxuu ahaa nin dadka la raaca gaadiidka dadweynaha.

Muddadii 8-da sano ahayd ee uu talada hayey waxaa Ahmadinejad lagu xusuustaa inuu iska diiday inuu mushaar ka qaato dawladda, wuxuuna ku noolaa mushaarka macallinimada.

Sidoo kale ma uusan danayn lacagta hawlgabnimada ay u qaataan madaxweynayaasha xilka ka dega.

Wuxuu aad ugu qanacsanaa macallinimada iyo waxa ka soo gala.

Muddadii uu madaxweynaha ahaa wuxuu aad u jeclaa inuu ku noolaado gurigiisa gaarka u ah ee ay ku noolyihiin labada wiil iyo gabadha uu dhalay, has- yeeshee saraakiishiisa amniga ayaa ku khasbay sababo amaanka la xiriira dartood inuu ka guuro. Diyaaradaha marka uu raacayo ma jecla in kuraasta madaxweyneyaashu fariistaan uu fariisto.

Intii uu xilka hayey waxaa lagu xasuustaa inuu ku hanjabay in Iran ay “Israa’iil ka tiri doonto maabka”. Fasiraadda qaabka loo dhigay hadalkaas ayuu muran ka dhashay.

“Xoogageenu waxay awood u leeyihiin inay khasbaan ciddii soo duusha, oo ay gaarsiiyeen inay ka shalaayaan ficilladooda” ayuu yidhi Axmadinejad markii uu u hanjabayey Israa’iil.

Dadka mucaaradsan waxay ku dhaliilaan siyaasadihiisii dhaqaalaha ee gudaha iyo dibadda, iyo inuusan danayn jirin xuquuqda aadanaha.

Xilligii uu ahaa duqa magaalada Tehran wuxuu u tartamay abaal marinta duqa magaalo ee ugu fiican dunida, laakinse markii uu iska casilay xilkaas ayaa tartanka laga reebay isagoo soo gaaray wareegga 10-ka qof ee ugu sarreeya.

Muddadii uu siyasadda ku jiray iyo intii uu ka mid ahaa hogaamiyayaasha ardayda waxaa aad loogu xusuustaa inuu ahaa nin aad u af adag oo aan hadalka la gabban.

Wuxuu samaystay bartiisa Twitter 2017, inkastoo uu muddo xayiraad ku hayey in Twitter laga isticmaalo Iran, wuxuuna ku xiran yahay bogagga shaqsiyaad ay ka mid yihiin laacibkii Arjantiin ee geeriyooday Diego Maradona, cayaartoyga kubadda kolayga ee Maraykanka LeBron James, madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro, iyo David Duke oo lagu xagliyo ururka faquuqa ku dhisan ee KKK.

Ad
Previous articleKhilaaf Culus oo ka Dhex Qarxay Laftgareen iyo Xasan shiikh
Next articleMareykanka oo madaxweyne Xasan kala hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobbiya