Home Wararka Maanta Hoggaamiyaha sare ee Iran oo Wacad Ku maray inay Israil Weerarka Ku...

Hoggaamiyaha sare ee Iran oo Wacad Ku maray inay Israil Weerarka Ku Wada Doonaaan

0

Hoggaamiyaha sare ee Iran ayaa khudbad naadir ah, oo uu jeediyey Jimcaha maanta, ku sheegay in xulufadiisa gobolka ay sii wadi doonaan dagaalka Israel, isaga oo difaacay weerarkii gantaallo ee ay ku qaadeen.

Khudbadda Aayatullah Cali Khamenei ee Tehran ayaa ahayd tii ugu horreysay tan iyo markii Iran ay fulisay weerarkeedii labaad ee abid ay ku qaado Israel. Sidoo kale waa tii ugu horreysay tan iyo markii rasaas is-weydaarsigii dagaal-yahannada Xzibullah iyo Israel uu isku rogay dagaal ballaaran.

Isagoo la hadlayay kumanaan qof oo isugu soo baxay dalka ku hadla luuqadda Farsiga ee Iran, ayuu Khamenei ku yiri Carabi: “Iska caabinta gobolka kama waaban doonaan in ay shahiidaan, wayna guuleysan doonaan.”

Khamenei ayaa ammaanay ururka Xizbullah, isaga oo sheegay in ay “adeeg muhiim ah u hayaan gobolka oo dhan iyo dhammaan caalamka Islaamka”.

Khudbadda ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Israel ay darseyso aargudasho ka dhan ah weerarkii ee Iran, oo ay Tehran sheegtay in ay ugu aargudaysay dilkii Nasrallah iyo xubno kale oo sar sare.

Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa ku hanjaby “kuwa weerara qaranka Israel, waxay bixiyaan qiimo culus”.

Iran ayaa sheegtay in ay sare u qaadi doonto jawaabteeda haddii Israel ay weerar celis sameyso.

Ku dhowaad sanad kadib weerarkii dhimashada badnaa ee Xamas ay ku qaaday Israel 7-dii October, Israel ayaa ku dhowaaqday inay diiradda u wareejineyso xaqiijinta xuduudda Lubnaan.

Israel waxay sheegtay in hadafka uu yahay in ay u ogolaato in 60,000 oo Israa’iiliyiin ah oo ku barakacay gantaallada Xizbullah, ay ku soo noqdaan guryahooda.

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan

Maxaad ka ogtahay muhiimada Soomaaliya u leedahay diyaaradaha dagaalka ee Bayraktar Akinci

Labadii diyaaradood ee ugu horreyay oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akınci ,ayaa shalay gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay milkiyadooda leedahay Soomaaliya. Diyaaradaha oo ay ku xiranyihiin tiknoolajiyad

Dalalka Ruushka iyo Ukraine oo iska bur-biriyay Kaabayaasha Dhaqaale ee Muhiimka

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine, ayaa wali sii wada duqeymo culus ay is dhaafsanayaan, kuwaa oo waxyeelo xooggan gaarsiiyay kaabayaal dhaqaale oo labada dalba muhiim u ahaa. Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin

Furuumaha Dagaalka ee Dowlada oo loo diray Dhaqaatiir iyo Gurmad Xoogan

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo daawo luugu tala-galay in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Sheegtay inay Kor Joogtaynayso Doorashada Soomaaliland ee Bisha Soosocota Dhacaysa
Next articleWar Deg Deg ah:Shirkii Madasha Wadatashi Qaran oo burbur Qarka Usaaran