Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Hogaamiye Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan (Ganey) oo Hanjabaad Culus u Diray Cali Guudlaawe

Hogaamiye Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan (Ganey) oo Hanjabaad Culus u Diray Cali Guudlaawe

0

Hoggaamiyaha maamulka la baxay Hiiraamn State ee fadhigiisu yahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan (Ganey) ayaa si adag uga hadlay safar uu shalay madaxweyne HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ku tegay degmada Matabaan ee gobolkaasi.

Cabdullahi Ganey ayaa ku eedeeyayHirShabelle in ay dhibaato horleh ka abuureyso gobolka, gaar ahaan xuduud u sheegay inay u taallo maamulkooda iyo HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wixii dhibaato ah ee ka dhaca halkaasi uu mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

“Wixii mas’uuliyada ah HirShabelle ayaa qaadeyso, waayo waxay dhibaato keeneen xuduuda oo waxay fowdo ka sameeyeen degmada Matabaan” ayuu yiri hoggaamiyuhu.

Dhinaca kale wuxuu ku hanjabay in madaxweynaha HirShabelle tegi karin Beledweyne, isla markaana uu hadda Hiiraan kasoo garay dhinaca Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

“Cali Guudlaawe ma imaan karo Beledweyne, waxaa nagu maqaalo ah in uu Guriceel kasoo dagay maamulka Galmudug magan-galyo siiyay, kadibna sidaas kusoo gudbay” ayuu sii raaciyay.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac ayaa weli halkiisii ah, wuxuuna saameyn ballaaran ku yeeshay horumarkii gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisaddan oo muddo soo taagnayd, maadaama reer Hiiraan ay sameysteen maamul gooni ah.

Ad
Previous articleMarkba lagu duqeeyay Badda Cas oo ku dagay xeebaha Yemen kadib Markii lalahelay Gantaalo
Next articleMaraykanka oo Soo Faragaliayay Duqayntii Lagu laayay Alshaab ee Puntland iyo Dowladu Isku Qabsadeen