Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Hirshabeele oo war Kasoo saartay Ciidamadii itoobiyaanka ahaa ee Shalay Soogalay Gobalka...

Hirshabeele oo war Kasoo saartay Ciidamadii itoobiyaanka ahaa ee Shalay Soogalay Gobalka Hiiraan

0

Wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Cabdiraxmaan Dahir Guure (Karoore) oo u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan ciidamada Itoobiya ee shalay kasoo tallaabay xadka, isla markaana gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Wasiir Karoore ayaa sheegay inay hayeen xogta ciidamadaas, isla markaana lala soo wadaagay HirShabelle, wuxuuna tilmaamay in ujeedkoodauu  yahay inay galbiyaan ciidamada Itoobiya ka joogay gobolkaas, kuwaas oo qayb ka ahaa howlgalka ATMIS.

“Ciidanka Itoobiya ee kasoo gudbay xadka dhinaca Feerfeer sida annaga nagu soo gaartay warbixinta ku saabsan ciidamadaas in ay ciidankii gobolka Hiiraan ka joogay oo qaarkood ATMIS ay ahaayeen, qaara ay caawinayeen inay guurayaan waqtigiina uu ka dhammaaday in ciidamadaas galbinayaan ayaa warbixinta nagu soo gaaray” ayuu yiri wasiir Karoore.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay HirShabelle lasoo xiriireen, ayna u sheegeen inay baxayaan, isla markaana ay si nabad ah ku marayaan waddooyinka Hiiraan.

“Way nala soo xariireen maamullada deegaannadana way la hadleen oo waxay rabaan inay waddooyinka si nabad ah ku maraan,” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Shalay way noo yimideen, maantana haddii ay baxayaan annaga wargelin kale oo gooni a kama rabnee kolley shaqadii ayaa u dhammaatay inay baxaana waa qasab”.

Arrintan ayaa sidoo kale ku timid codis  ay dowladda Itoobiy u soo gudbisay dowladda Soomaaliya, iyadoo dalbaneysa in loo ogolaado in gudaha Soomaaliya ay soo galaan ciidamo Itoobiyaan ah, si ay u gelbiyaan ciidan kale oo Itoobiya ka jooga degmada Maxaas.

Intaas kadib dowladda dhexe ayaa Ciidamada Itoobiya u ogolaatay inay tagaan Maxaas, si halkaas ay uga gelbiyaan 500 oo Askari oo dalka ka bixi doono dabayaaqada bishan.

Si kastaba, Bixitaanka ciidanka Itoobiya ayaa qeyb ka ah qorshaha dhimista ciidanka ATMIS ee jooga Soomaaliya, sida ay cadeysay dowladda Itoobiya.

Ad
Previous articleYaa Hogaanka U Haaya Doorashadii Shalay Ka Dhacday Puntland?
Next articleXildhibaan Xasan Sheekh ku eedeeyey inuu la Yimid casharadii Afewerk