Home Wararka Maanta Hay’adda Xuquuqda Aadanaha oo war kasoo saartay waxkabaddalka dastuurka Soomaaliya ee Maantay...

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha oo war kasoo saartay waxkabaddalka dastuurka Soomaaliya ee Maantay la Filaayo

0

Baarlamaanka Soomaaliya waa in uu diidaa wax ka beddelka dastuurka la soo jeedinayo ee wiiqaya ilaalinta xuquuqda carruurta, Hay’adda Xuquuqda Aadana ee Human Rights Watch ayaa sidaas sheegtay Jumcihii shalay.

Sabtida maanta labada aqal ee baarlamaanka ayaa la filayaa in ay u codeeyaan soo jeedinta wax ka bedelka, taas oo hoos u dhigi doonta da’da qaan-gaarnimada. Tan ayey hay’adda Xuquuqda aadanuhu ku tilmaantay in ay sare u qaadayso khatarta guurka “caruurta iyo hoos u dhigista heerarka caddaaladda ee qaan-gaarka – iyo suurtogalnimada in la ogolaado noocyo ka mid ah gudniinka fircooniga ah”.

“Baarlamaanka Soomaaliya waa inuu ka hortagaa dadaallada lagu wiiqayo ilaalinta dastuurka ee carruurta, gaar ahaan gabdhaha,” ayay tiri Laetitia Bader, agaasime ku xigeenka Afrika ee Human Rights Watch. “Deeq bixiyayaasha Soomaaliya waa in ay ku cadaadiyaan dowladda in ay fuliso sheegashaheeda ah in ay qaadayso tillaabooyin muhiim ah si ay u fuliso ballanqaadyadeeda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.”

Wax-ka-beddelka la soo jeediyay ee lagu hoos loogu dhigayo da’da ” qaan-gaarnimada ” ee 15 waxay si gaar ah u gelinaysaa gabdhaha “khatarta weyn ee guurka caruurta, taas oo saameynaysa caafimaadkooda, gaar ahaan caafimaadka taranka, helitaanka waxbarashada, iyo ka ilaalinta noocyada kale ee xadgudubka, Xuquuqda Aadanaha” ayaa lagu yiri bayaan lagu daabacay mareegta hay’adda.

Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya oo ah dal Muslimiin, ayaa laga aaminsan yahay da’da qaan gaarku in ay tahay 15 iyada oo waliba mararka qaar ay culumadu hoos uga dhigaan intaas iyada oo la eegayo astaama kale oo qaangaarnimo.

Hase yeeshee Hay’adaha caalamiga ah iyo qaar ka mid ah dalalka galbeedka ayaa qaba in da’da qaan gaarnimadu aysan 18 ka hoos mari Karin walow aysan sidaas ku wada dhaqmin isla dalalkaasi.

Ad
Previous articleWariye ka hawl gala telefishan ku yaal London oo isla magaaladaas lagu tooriyeeyay
Next articleXildhibaano uu soo Saartay Farmaajo oo Xasan Shiikh lasaftay