Home Wararka Caalamka Hay’adda Socdaalka Sweden oo diiday codsi Aabe Dalbaday inuu Ku laabto Dalkiisa...

Hay’adda Socdaalka Sweden oo diiday codsi Aabe Dalbaday inuu Ku laabto Dalkiisa si iskiisa ah

0

Hay’adda Migrationsverket (Hay’adda Socdaalka Sweden) ayaa diiday codsiga dib-u-noqoshada iskaa ah ee uu gudbiyay Ayham  horraantii Febraayo 2026.

Go’aanka, oo ay heshay warbaahinta ayaa lagu sheegay: “Maaddaama codsaduhu uu helay deganaansho ku salaysan xiriirka uu la leeyahay wiilkiisa, isla markaana wiilku uu noqday muwaadin Swedish ah, codsaduhu kama mid aha qaybaha uu daboolayo nidaamka gunnooyinka dib-u-noqoshada.”

Isagoo ka faalloonaya go’aanka, qareenkiisa ayaa sheegay in kiiskan uu muujinayo mid ka mid ah xaaladaha adag ee la xiriira codsiyada gunnooyinka dib-u-noqoshada.

Ayham ayaa isaguna sheegay inuu haysto deganaansho ku meel gaar ah oo dhici doona bisha May ee soo socota haddii uusan cusboonaysiin, wuxuuna caddeeyay inuu kaligiis gudbiyay codsiga dib-u-noqoshada, maadaama qoyskiisu aysan weli go’aan ka gaarin arrinta dib-u-noqoshada.

Dawladda Sweden ayaa bilowga sanadkan kordhisay gunnada dib-u-noqoshada iskaa ah, iyadoo ka dhigtay 10,000 karoon ilaa 350,000 karoon qofkiiba, iyo 600,000 karoon qoyska.

Ad