Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal culus oo si gaar ah loo qorsheeyay ka fuliyay deegaanka Show ee gobolka Hiiraan.
“Howlgalkan waxaa lagu dilay horjooge Xuseen Cabdullaahi Dalab, oo loo yaqaanay “Caamir,” kaas oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan amniyaadka qaybta Hirshabeelle, Dhagarqabahan oo dhiigya-cab ahaa, kana qayb qaatay falal badan oo dhagar ah, ayaa ugu dambeyn nafta la dhaafiyay” ayaa lagu yiri war ka soo baxay NISA
Dhinaca kale, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada AFRICOM ayaa howlgal cirka ah ka fuliyay deegaan hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, dowlad-goboleedka Jubbaland.
Howlgalka ayaa lala beegsaday fariisimo ay Al shabaab ku lahayd deegaan 40 km waqooyi-bari ka xigta magaalada Kismaayo.
Weli lama hayo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan duqaynta, maadaama ay weli socoto qiimeyn lagu sameynayo khasaarihii lagu gaarsiiyay Al shabaab.