Home Wararka Maanta Hay’adda NISA oo ka Warbixisay howlgal qorsheysnaa oo ay ka fulisay gobolka...

Hay’adda NISA oo ka Warbixisay howlgal qorsheysnaa oo ay ka fulisay gobolka Hiiraan

0

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal duqeyn ahaa oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo laga fuliyay gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgal oo ahaa mid  qorsheysanaa si gaar ah looga fuliyay deegaanka Biyo Madoobe ee gobolka Hiiraan,  islamarkaana lagu dilay todobo xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidanka NISA iyo saaxiibada Caalamka ayaa sidoo kale la sheegay in lagu burburiyay gaari xamuul ahaa oo kooxdu ugu rarnaa rasaas tira badan.

“Ciidanka oo kaashanaya saaxiibada caalamka, oo maanta howlgal qorsheysan ka fuliyey tuulada Biyo Madoobe oo hoostagta deegaanka Jicibow ee Gobolka Hiiraan ayaa halkaas ku dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo sidoo kale la burburiyay gaari nooca xamuulka ah oo ay Khawaarijtu kusoo rareen rasaas fara badan oo jawaanno lagu cabbeeyay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

Howlgalkan ka dhacay deegaanka Biyo Madoobe ee gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ah howlgalada ciidanka NISA ay ku beegsanayaan goobaha muhiimka ah oo ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.

Ad