Home Wararka Maanta Hay’adda NIRA oo beenisay in deegaano ka tirsan Puntland ay ku dartay...

Hay’adda NIRA oo beenisay in deegaano ka tirsan Puntland ay ku dartay Galmudug

0

Warsaxaafadeed ay soo saartay hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta dowladda Federaalka Soomaaliya ee NIRA ayaa lagu beeniyay eedeymo loo jeediyay hay’adda oo la xariiray in degmooyin ka tirsan Puntland ay raacisay Galmudug.

Hay’adda NIRA ayaa warsaxafadeedkeeda ku cadeysay in foomka baraha bulshada lagu faafiyay ee sheegaya in degmooyinka Galdogob iyo Jariiban ka tirsan yihiin Galmudug inuu yahay mid been abuur ah oo aan hay’addu wax shaqo ah ku laheyn, islamarkaana foomka saxda ah ee hay’addu uu yahay mid dhex yaala boggaga hay’addu leedahay.

“NIRA waxay caddaynaysaa in foomka Baraha Bulshada lagu faafiyay uu yahay mid been-abuur ah, foomka rasmiga ah ee Hay’adda waxaa laga heli karaa websaydkeeda iyo xarumaheeda kala duwan.Hay’addu waxay sidoo kale u xaqiijinaysaa shacabka Soomaaliyeed in aanu jirin wax go’aan ah oo ay NIRA gaartay kaas oo deegaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland lagu hoos-geynayo Galmudug” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay hay’adda NIRA.

Warsaxafadeedkaan kasoo baxay NIRA ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay baraha bulshada si weyn ay u hareeyeen doodo la xariira in hay’adda NIRA deegaano ka tirsan Puntland ay raacisay Galmudug.

Ugu dambeyntii hay’adda NIRA waxay sidoo kale qoraalkeeda ku xustay iney u hoggaansan tahay xaduudaha Dastuuriga ah iyo nidaamka Fedaraalka, islamarkaana ay ka go’an tahay in adeegyada aas aasiga ah si cadaalad ah ku gaarsiiso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka NIRA oo dhameystiran:-

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articlePuntland oo sheegtay in Madaxweyne Xasan Shiikh uu Colaad ka abuuro Gaalkacyo Markasta uu Xil Qabto
Next articleFalastiin oo ka hortimid Qorshe Shacabkeeda loogu soo raro Somaliya