Home Wararka Maanta Hay’ada Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch oo Kadigtay Ciidamada Maraykanka ee...

Hay’ada Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch oo Kadigtay Ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya Lagu Soo Celinaayo

0

Hay’ada Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa ka digtay in ciidamada Mareykanka ee lagu soo celinayo Soomaaliya ay geystaan duqeymo lagu dhibaateenayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Agaasimaha gobolka ee Human Rights Watch ayaa sheegay in sii socoshada beegsiga dadka shacabka ay sii kala fogeyneyso kalsoonida dadka Soomaaliyeed ee taageerada Mareykanka, iyadoo Mareykanka looga digay arrimahaasi.

“Dhaqanka ciqaabta la’aanta ee khasaaraha rayidka ah wuxuu dhaliyaa caro iyo kalsooni darro ka dhex dhacda dadweynaha wuxuuna wiiqaa dadaallada lagu dhisayo dowlad ixtiraam leh,” ayuu yiri agaasimaha gobolka ee Human Rights Watch.

Human Rights Watch (HRW) ayaa dowladda Maretkanka hordhigtay shuruud ah iney ka feejignaanahaan beegsiga dadka rayidka kahor inta aysan ciidamadooda dib ugu soo laaban Soomaaliya oo aysan ka bilaabin howlgalada dhinaca cirka ah ee lagu beegsado Shabaab, kuwaasoo mararka qaar waxyeelo ba’an ay ka soo gaarto dadka shacabka ah.

“Saraakiisha Mareykanka waa inay si cad u caddeeyaan sida ciidamadoodu ay uga fogaanayaan inay waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed inta lagu guda jiro howlgallada milateri,” Laetitia Bader, oo ah Agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch (HRW) ayaa ku tiri hadal ay soo saartay.

Si kastaba, Xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka John Kirby ayaa horaantii isbuucan ku dhawaaqay in ciidamo Mareykanka ee ku dhow 500 oo askari ay dib ugu laaban doonaan Soomaaliya 17 bilood ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu kala baxay ku dhawaad 750 askari oo Mareykan ah oo Somalia ku sugnaa

Dalalka Ruushka iyo Ukraine oo iska bur-biriyay Kaabayaasha Dhaqaale ee Muhiimka

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine, ayaa wali sii wada duqeymo culus ay is dhaafsanayaan, kuwaa oo waxyeelo xooggan gaarsiiyay kaabayaal dhaqaale oo labada dalba muhiim u ahaa. Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin

Furuumaha Dagaalka ee Dowlada oo loo diray Dhaqaatiir iyo Gurmad Xoogan

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo daawo luugu tala-galay in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah

Dowlada Somaliya oo ka hadashey isku day dil uu ka badbaaday Madaxweyne Xasan Shiikh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay ka badbaaday qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo galbineysay, xilli uu ka baxay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kuna sii jeeday farumaha hore ee

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u

Dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. Inta la
Ad
Previous articleDadaalo Xabsiga Looga Sii Daynaayo Mukhtaar Roboow oo Muqdisha Kasocda iyo Laftagareen oo….
Next articleSakariye Siciid Salaad oo Goordhow Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa Dilkiisa