Home Wararka Maanta Haweeneydii ugu da’da weyneyd ee sanadkan gudaneysa waajibaadka Xajka

Haweeneydii ugu da’da weyneyd ee sanadkan gudaneysa waajibaadka Xajka

0

Boqorka Sacuudi Carabiya ayaa soo dhoweeyay qofkii ugu da’da weynaa ee sanadkan 2024 gudanaya waajibaadka Xajka

Sarahouda Stiti oo kasoo jeedda dalka Algeria ayaa sheegtay inay jirto 130 sano, waxaana loo aqoonsaday qofkii ugu da’da weynaa ee sanadkan xajineysa.

Talaadadii, June 11, 2024, shirkadda Saudi Airlines ayaa soo dhoweysay haweeneydan oo Boqortooyada Sacuudiga u timid inay gudato xajka.

Kooxda Saudi group ayaa bartooda X/ Twitter ku wadaagay imaanshaha sanadkan ay Algeria ka timid haweeneyda ugu da’da weyn Xujeyda.

Muuqaal haatan qabsaday baraha bulshada oo shirkadda Saudi Airlines ay soo wadaagtay, ayaa lagu arkayaa haweeneydan Aljeeriyaanka ah oo soo dhoweyn diirran ka heleysa saraakiisha Sacuudiga markii ay kasoo degatay Garoonka Caalamiga ah ee King Abdulaziz ee Jeddah.

Sida laga soo xigtay wargeyska The Siasat Daily, kahor inta aysan soo safrin, Sarahouda Setit ayaa la sheegay inay markii hore diyaar garow gashay.

Sida ay uga go’an tahay gudashada Xajka iyadoo ay da’deedu weyn tahay ayaa ah waxa soo jiitay indhaha caalamka.

Xujeyda Muslimiinta ayaa ku qulqulayay magaalada barakeysan ee Sacuudiga ee Makah si ay u gutaan waajibaadka Xajka oo bilaabanaya toddobaadkan.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in in ka badan 1.5 milyan oo Xujey ajnabi ah ay dalkaasi gaareen Talaadadii, intooda badanna ay diyaarad ku yimaadeen.

Qaar badan ayaa la filayaa, iyadoo boqollaal kun oo Sacuudiyaan iyo kuwo kale oo gudaha Sacuudiga ku nool ay ku biirayaan marka uu Xajku si rasmi ah u billowdo maalinta berri ah.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Magacaabay Taliyayaal cuusb oo Ka Tursan Xooga Dalka Soomaaliya
Next articleMaxaad ka ogtahay labada waqti ee Hindiya ogolaatay inay Soomaalida fiisaha ku siiso?