Haweeney 45 jir ah oo magaceeda lagu sheegay Karima Nuhu, ayaa Talaadadii ninkeeda Musa Falalu ugu gacan qaaday maxkamada shareecada Islaamka dhexdeeda ee Rigasa ee gobolka Kaduna, kadib markii ay ku eedeysay inuu diiday inuu u dhoofiyo dalka Sacuudiga.
Wakaalada wararka ee Nigeria NAN, ayaa sheegtay in haweeneydan oo ku nool deegaanka Rigasa ay maxkamada u sheegtay, inay is qabaan Falalu mudo afar sano ah, balse uu siiyay kaliya biil labo bilood ka dib guurkooda.
“Waxa uu ii sheegay in shaqadii uu hayay ee darawalnimo ay ka dhamaadeen, balse uu mid kale ka helay dalka Sucuudiga.
Wuxuu ka codsadey ninkani xaaskiisa inay u sabarto, oo uu ka balan qaaday inay u raaci doonto dalka Boqortooyada Sucuudiga” ayay tiri haweenaydu.
Ad