Home Wararka Maanta Haweeneey nin ay u dhashay Lix caruur ah Sun layaab leh Ku...

Haweeneey nin ay u dhashay Lix caruur ah Sun layaab leh Ku dishay oo lasoo Qabtay

0

Ciidamada ammaanka ee Jubbaland oo howlgal ka sameeyay xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay haweeeney xalay Seygeedii ku dishay magaaladaasi, kadib markii ay u adeegsatay Sunta lagu dilo Libaaxyada.

Qoraal kasoo baxay Booliska Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in haweeneydaan oo lagu magacaabo Sahra Xuseen Maxamed ay Saygeedii Cabdullahi Cabdiraxman Abuukar sunta ugu dartay cabitaan, kadibna ay siisay, isaga oo u geeriyooday shirqoolkaasi.

“Taliska Ciidamada Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa Soo qabtay Sahra Xuseen Maxamed oo Saygeedii Cabdullahi Cabdiraxman Abuukar Xalay ku dishay Magaalada kismaayo Xaafadda Farjano Waaxda Dalxiiska” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Sahra ayaa Saygeedda Sunta Libaaxa ugu dartay Cabitaan ay u Soo iibisay taas oo sababtay in uu ugeeriyoodo”

Dhanka kale Dhame Shukri Faarax Ducaale  oo kamid ah saraakiisha Jubbaland oo warbaahinta u faahfaahiyay dhacdada ayaa sheegay in weli ay wadaan baaris, isla markaana haweeneyda eedeysanaha ah ay horgeyn maxkamad, si talaabo looga qaado.

Sahra Xuseen Maxamed oo sawirradooda loo soo bandhigay dadweynaha ayaa ahayd xaaska Marxuumka, waxayna u dhashay dhowr carruur ah, waxaana la sheegay inuu jiray khilaaf u dhexeeyay iyada Seygeeda, kaas oo ay ugu dambeyn ka taqalustay.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleSheekh Shariif oo sheegay in Dowlada ay Ardayda Iskuulada u Isticmaaleyso Doorashada Qof iyo Cod
Next articleIsraail oo Guuldaro xanuun Badan kala kulantay Dagaalkii Gaza Xili Lagu Dhawaaqay Heshiis Rasmi ah