Home Wararka Maanta Haween Koranto Kulaysay Soomaaliland.

Haween Koranto Kulaysay Soomaaliland.

0

Hal qof oo haweenay ah ayaa ku geeriyootay, laba kale oo mid yahay Ilmo yar oo afar bilood jirana waxyeelo ayaa ka soo gaartay, ka dib markii gelinkii dambe ee shalay uu gurigii ay deganaayeen uu ku dhacay danab ka dhashay roobab ka da’ay Gobolka Saaxil ee Somaliland.

Roobabkan, oo ka da’ay degmada Laas-ciidle, oo Magaalada Berbera oo u jirta ilaa 130 KM, ayaa sababay in guri ku yaala degmadaasi uu ku dhacdo danab, xilli halkaas ay ku sugnaayeen Hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhashay iyo qof kale oo qoyska ka mid ah.

Danabka gurigan ku dhacay ayaa sababay dhimashada Hooyadii Qoyska oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Axmed Xaaji Nuur, halka gabar yar oo jirtay afar bilood uu dhaawac ka soo gaaray iyo sdioo kale haweenaydii kale ee qoyskaas ka mid ahayd oo wakhtiga danabku ku dhacay guriga ku sugnayd, sida uu BBC-da u xaqiijiyey Xasan Ciise Cali, oo ah Aabaha qoyska dhibaatadu ku dhacday.

Xasan Ciise Cali, waxa uu xusay in Marxuumada geeriyootay oo xaaskiisa ahayd ay maanta ku aaseen degmada Laas-ciidle, isaga oo sidoo kale sheegay in dadkak kale ee waxyeeladu soo gaartay ay xaaladoodu ka soo raynayso.

Deegaanka danabkan ku dhacay ayaa u dhow deegaanka lagu magacaabo Xididdaley oo bishii hore daadad ka dhashay roobab halkaas ka da’ay ay ku dhinteen saddex qof oo walaalo ah.

Toddobadkii hore ayaa sidan oo kale deegaanka Dirimaraa ee Gobolka Saaxil uu wiil 15 jir ah ugu geeriyooday danab ku dhacay, xilli halkaas ay roobab xooggan ka da’ayeen.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMaxkamadda racfaanka gobolka Banaadir oo maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiska loo haysto Sayid-Cali Macallin Daa’uud
Next articleMarwo Catriona Lainga oo Si Wayn loogu soo Dhaweeyey Dhuusamareeb(Sawiro)