Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed uusan aqbali doonin in layaso, kadib markii madaxweyne Donald Trump mar kale aflagaado u jeediyay Soomaaliya iyo dadka Soomaalida ah.
Fiqi oo qoraal u diray wakaaladda Reuters ayaa ugu baaqay Trump inuu diiradda saaro ballan-qaadyadiisa uu u sameeyay shacabka Mareykanka, halkii uu waqtiga uga lumin lahaa arrimaha Soomaaliya.
Inkasta oo uu uga mahadceliyay Maraykanka taageerada militari ee uu siiyo Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, haddana waxa uu si cad u diiday ereyada uu Trump ku tilmaamay dadka Soomaaliyeed.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaannaa adkeysi, karti iyo shaqo-jaceyl. Waxay wajahaan dhibaatooyin badan iyo cadow badan ka imaanaya kuwaas oo xitaa diidan jiritaankooda balse way ka gudbeen oo mar walba way guulaysanayeen.”



