Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Halkee ayay Ku danbeeyeeen Ciidamadii Dowlada ee Taliye Fanax iyo Xasan Ciraaqi?

Halkee ayay Ku danbeeyeeen Ciidamadii Dowlada ee Taliye Fanax iyo Xasan Ciraaqi?

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah laga dareemayo deegaanka Raaskambooni oo ay shalay ka dhaceen dagaallo qaraar oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, waxaana guud ahaan deegaanka la wareegay daraawiishta Jubbaland.

Xaaladda ayaa haddaxasilloon, waxaana deegaanka iyo nawaaxigiisa ku sugan ciidamada Jubbaland oo fariisimo cusub ka sameystay halkaasi.

Jubbaland oo war qoraal ah soo saartay ayaa sheegtay in wax dhibaato ah aysan ka jirin deegaanka, isla markaana uu soo galay gacanteeda.

“Maleyshiyaadka uu eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa diyaaradaha ku geeyeen deegaanka nabada ahaa ayaa inta ay joogeen Shacabka ugeysanayay dhac iyo boob lkn Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland ayaa arintaas ka hortagay soona afjaray Shalay galinkii dambe” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Jubbaland.

Ciidamada dowladda ayaa isaga baxay deegaanka, waxayna u gudbiyeen dhinaca dalka Kenya, waxaana barta Twitter-ka ee Hey’adda ka hortagga Dambiyada Argagixiso ee dowladda Kenya lagu baahiyey sawirrada askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo isku dhiibay ciidamada Kenya, kadib markii ay ka gudbeen xuduudda.

Ad
Previous articleSoomaaliya iyo Itoobiya oo Heshiis ku Gaaray oo Soo gabagabeeyey Khilaafkoodii
Next articleDowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Waxa Ka dhacay Raaskanboooni