Home Wararka Maanta Habraac Amniga Musharixiinta Madaxweynaha Oo La shaaciyay iyo Faramaajo Oo Hab maamus...

Habraac Amniga Musharixiinta Madaxweynaha Oo La shaaciyay iyo Faramaajo Oo Hab maamus Gaar ah loo Sameeyey

0

Guddiga Baarlamaanka ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray hab-raaca amniga doorashada iyo sida ay xildhibaanada iyo musharixiinta ku gaarayaan hoolka ay ka dhaceyso doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in la diyaariyey saddex albabaab oo ay ka geli doonaan marti sharafta, musharixiinta, xildhibaanada Laba Aqal iyo Marti sharafta, waxayna Albaabada laga galayo kala yihiin School Policia (Marina Gate), Main Gate iyo Madina Gate.

Dhammaan musharixiinta ayaa loo asteeyey inay kasoo galaan albaabka Madina Gate, halkaas oo ay kaga soo tagayaan gawaaridooda dagaalka, ciidanka iyo Gawaarida kale, waxaana halkaas ka qaadi doono Basas VIP ah oo loo diyaariyey.

Xildhibaanada Labada Aqal, marti sharafta iyo shaqaalaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa loo asteeyey inay kasoo galaan Ablaabka Marina Gate ( School Policia) iyo Main Gate.

Qodobka Sedexaad ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha xilka hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo ogol yahay inuu hoolka lasoo galo 3 qof oo kala ah:

  1. Askariga Astaanta Qaranka
  2. Qof hab-maamuska ah
  3. iyo Qof codadka u tiriyo
Musharixiinta madaxweynayaasha soo noqday waxaa loo ogol yahay labo qof inuu hoolka la soo galo, hal qof oo hab maamuus iyo hal qof oo codka u tiriyo, halka Musharaxiinta kale loo ogolyahay hal qof oo ah kan codka u tirinaya.
Guddiga ayaa sidoo kale hab-raaca amniga ku sheegay in dhammaan albaabada la dhigay magacyada xildhibanada Labada Aqal, musharixiinta, Shaqaalaha Baarlamaanka, Marti sharafta iyo warbaahinta.
Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in saxaafadda loo diyaaryey hool gaar ah oo loogu diyaariyey shaashado ay ka tabayeen doorashada.
Marka laga soo tago qodobada aan kor kusoo xusnay, waxaa sidoo kale habraaca ku jira qodobo kale oo aad u adag oo lagu ilaalinayo hufnaanta doorashada madaxweynaha.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleDeg Deg:Madaxweyne Farmaajo Oo Qaatay Shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha Soomaaliya(Sawiro)
Next articleKu Dhawaad 30 Musharax oo ilaa Haataan Qaadatay Shahaadada Musharax Madaxweynaha 10naad ee Soomaaliya(Akhriso Magacyada)