Villa Somalia iyo Guddoonka Golaha Shacabka oo is kaashanaya ayaa wada qorshe xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud, kadib markii uu is hortaag ku sameeyay tallaabooyin badan oo lala damacsanaa Xildhibaanada mucaaradka ah.
Guddiga Anshaxa iyo Xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka ayaa lagu soo daray Xildhibaan Maxamed Cajiib oo qaraabo la ah MD Xasan Sheekh, waxaana laga soo saaray Guddiga Arrimaha Dibadda. Villa Somalia ayaa damacsan in Maxamed Cajiib laga dhigo Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa si loo beegsado Xildhibaanada mucaaradka ah.
Xildhibaano badan oo isugu jira Mucaarad iyo Muxaafad ayaa arrintaan diidan waxaana xalay ilaa hadda Muqdisho ka socda kulamo arrintaan looga arrinsanayo. Xildhibaan Cabdisamad ayaa taageero ka helay Xildhibaanno badan oo dareensan qatarta kusoo wajahan Baarlamaanka.
Xildhibaan Cabdisamad dhowaan ayaa gaarigiisa lagu rasaaseeyay Muqdisho. Dowladdii hore ee MD Farmaajo ayaa lagu yaqaanaa in ay dagaal ku qaaday Xildhibaanadii Mucaaradka ku ahaa ilaa ay dalbatay in Xasanaadda laga qaado, halka qaarkoodna laga is hortaagay kulamada Baarlamaanka.