Home Wararka Maanta Guutada Birjeex oo Markale Alshabaab Nolosha kusoo qabtay hubna Ka Furtay

Guutada Birjeex oo Markale Alshabaab Nolosha kusoo qabtay hubna Ka Furtay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo gelinkii dambe ee shalay ciidamada Guutada Bir-jeex ee Daraawiishta ka sameeyeen dhul howdka ah ee ku yaalla gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa weerar culus ku qaaday galbeedka deegaanka Buulo-xaaji, halkaas oo ay ku beegsadeen saddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo qayb ka ahaa weerarkii ay todobaadkii soo qaadeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo laga soo saaray howlgalkan ayaa waxaa lagu sheegay in la dilay 2 xubnood mid kalena la dhaawacay, kadibna lasoo qabtay.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo furtay hubka ay wateen xubnahaas oo ku dhuumaaleysanayay meel u dhow deegaanka Buulo-xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

“Geesiyaasha Guutada Bir-jeex ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland waxa ay meel howd ah oo dhinaca galbeed ka xigta deegaanka Buulo-Xaaji ka heleen sadex dhagar qabe oo hubaysan oo qeyb ka ahaa weerarkii ay ku jabeen kuwaas oo waayahaanba ku dhuumanayay howdka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale wuxuu qoraalka intaasi kusii daray “Waxaa u-suuragashay in labana ay khaarijiyaan midna ay dhaawac ku qabteen kaas oo hadda lagu hayo goob caafimaad oo ciidamada gaar u ah, sidoo kale hubkii ay wateena waa laga furtay”.

Xaaladda ayaa sidoo kale maanta kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaalada Kismaayo oo ay ka socdaan howlgallo culus.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee guulaha ka sheegteen ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Ad
Previous articleNin Maraykanku Raadinaayay oo lagu Qabtay Soomaaliland
Next articleMiyay Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya loo soo Diraayo Badeena Ka Difaaci Doonaan Itoobiya?