Home Wararka Maanta Guud ahaan Kuraasta Gobalada Wooqooyi oo lasoo gabagabeeyey iyo P.M Rooble oo...

Guud ahaan Kuraasta Gobalada Wooqooyi oo lasoo gabagabeeyey iyo P.M Rooble oo goob joog ahaa(Sawiro)

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay gebogebada doorashada xildhibaannada labada aqal ee dalka ku matalaya Gobollada Woqooyi.
 
Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ku ammaanay guddiyada doorashada Somaliland (SEIT) iyo Heer Federaal howsha adag ay qabteen iyo in ay doorashada ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay.
Rooble ayaana ugu baaqay dowlad-goboleedyada dalka inay doorashada xildhibaannad deg deg u soo gebagabeeyaan, iyaddoona xilligii lagu heshiiyay in doorashada gollaha shacabka lagu soo gabagabeeyo kaliya ka harsan tahay afar maalin.
Doorashada Xildhibaanada gobolada Waqooyi ku matalaya ayaana maanta lasoo gabagabeeyay, waxaana maanta la doortay saddexdii Xildhibaan ee ugu dambeeyay xildhibaanada gobolada Waqooyi.
Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay in doorashada gollaha shacabka lasoo gabagabeeyo 25-ka bishan oo afar maalin ka harsan tahay, maamulada qaar ayaana wali bilaabin doorashada magaalooyinka labaad ,iyadoona xildhibaano badan harsan yihiin.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleShirkadii Dp-world oo laga Wareejiayay Gabi ahaanba Dekada Bosaaso iyo Deni oo Ka Hadlay
Next articleRaysulwasaare Rooble oo Daahfuray Shirwayne Qaran oo Midowga Musharixiintu ka Qaybgaleen(Sawiro)