Home Wararka Maanta Guri ninkii ajnaabiga ahaa ee Lagu Dilay Boosaaso oo Gurigiisa laga Helay...

Guri ninkii ajnaabiga ahaa ee Lagu Dilay Boosaaso oo Gurigiisa laga Helay Wax laga Naxay

0

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland oo weli sii wada howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ayaa maanta beegsaday guriga nin ajnabi ah oo kooxda ka tirsanaa, kaas oo xalay la dilay, isaga oo miino ku aasayay waddo ku taalla Boosaaso, waxayna gacanta kusoo dhigeen qaraxyo iyo agabyo kale oo halis ah.

Taliska ciidanka booliska oo ka warbixiyay howlgalkaasi ayaa sheegay in lagu xaqiijinayay amniga, ayna soo qabteen qaraxyo, bambooyin iyo agabyo kale, kuwaas oo laga helay guriga ninkii ajnabiga ahaa ee ay xalay ciidanku ku dileen gudaha magaaladaasi.

Xogta ninkan oo ajnabi ah ayaa waxaa soo gudbiyay dadka shacabka ah, isla markaana sidaas ay ku howlgaleen ciidamada ammaanka, kadibna ay toogteen ninkaasi oo qarxiyay miinada, markii uu isku dayayne inuu baxsado la dilay.

“Ninka oo Ajenebi ah ayaa markuu arkay in Ciidanku soo aadeen qarxiyey miinadii uu aasayay isagoo isku dayay in uu fakado , Balse markiiba Ciidanka ayaa toogtay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamada booliska ee maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale taliska qeybta Booliiska Gobolka Bari ayaa bulshada Boosaaso ugu baaqay in ay taxadaraan, soona sheegaan cid walba oo ay kaga shakiyaan in ay ammaanka lidi ku tahay.

Dhinaca kale waxaa maanta howlgal kale oo culus uu ka dhacay aagga Calmiskaad, kaas oo lagu beegsaday talis ay Daacish ku lahayd halkaasi, kaas oo gebi ahaan la burburiyay.

Sidoo kale ciidanka ayaa la wareegay saldhigaas oo ku yaalla deegaanka Warisoor, aaga Turmasaale ee Calmiskaad, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ciidanka difaaca.

“Ciidanku waxay la wareegeen Taliskii Argagixisada Daacish ku laheyd deegaanka Warisoor, aaga Turmasaale ee Calmiskaad. Sawirada iyo muuqaalada goordhow” ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntland ayaa haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamada isku sii fidinayaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxaana ugu dambeysay shalay oo ay si buuxda ula wareegay taliskii argagixisada ee Tuulada Tuurmasaale ee gobolkaasi.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleJeesoow oo Jawaab adag ka Bixiyay Hadalkii Cali Jayte
Next articleXamaas oo Afar Maxbuus oo Haween ahaa Maantay ku badashay Boqolaal Maxabiis ah oo laga Haystay