Waxaa u ahaa sarkaal ciidan oo tababarro kala duwan oo dhanka ciidanka ku soo qaatay dalalka Ruushka iyo Talyaaniga, isagoo ka mid ahaa saddexdii sarkaal ee ugu horeeyey ee loo diro inay aqoonta ciidanka militariga ku soo qaataan kuliyadii tababarka ciidanka ee Modena ee dalka Talyaaniga, iyo laba sano oo magaalada Torino uu tababar ku soo qaatay.
Waxay aad isugu dhawaayeen Madaxweynihii dalka Jeneral Maxamed Siyaad Barre, Allaha u raxmadee wuxuu ahaa nin ku adag sharciga iyo daacadnimada kacaanka sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Turunji oo ay ka soo wada shaqeeyeen Maxkamaddii Badbaadada iyo xarumo kale oo dowladeed.
Sidoo kale wuxuu soo noqday taliyihii ciidanka Badda ee Soomaaliya, Abaanduule Ciidan, gudoomiyihii Maxkamadda Badbaadda dalka, wasiirkii Maaliyadda iyo wasiirkii gadiidka badda iyo dakadaha ee dowladii kacaanka.
“Shaqsiyan wuxuu ahaa qof hufan oo nadiif ah, waligiisna aan isku dayin inuu hanti umadeed qaato, taas waxaa marag ka ah inuusan waligiis Soomaaliya guri ku yeelan isagoo xilal waaweyn ka qabtay dalka“ ayuu uu BBC-da u sheegay Maxamed Turunji.
Xukunadii uu riday intii uu joogay Maxkamadda
S/Guuto Maxamuud Geelle Yuusuf, ma ahayn sharci yaqaan laakin bilowgii toddobaataneeyadii ayuu Madaxweyne Siyaad Barre u magaacabay Gudoomiyihii Maxkamadii Badbaadda Dalka.
Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Turunji oo ay Maxkamaddas ka soo wada shaqeeyeen wuxuu xukunadda uu ridayo u cuskan jiran markhaatiyaasha la horkeeno Maxkamadda.
Xukunadii ugu waaweynaa ee ay uu riday intii Gudoomiyaha ahaa Jeneral Maxamuud Geele waxaa ka mid ahaa,
Xukunkii dilka ahaa ee lagu fuliyey horraantii todobaatameeyadii Allaha u raxmadee Jeneral Salaad Gabayre oo ka mid ahaa raggii ay Geelle ku wada jireen inqilaabka balse lagu oogay eedaymo ah inuu ka hor yimid kacaanka.
Sidoo kale Jeneral Geelle ayaa riday xukunno dil ah oo lagu fuliyey Jenenal Maxamed Caynaanshe iyo Cabdiqaadir Dheel.
Waxaa sidaas oo kale xukunadii uu riday ka mid ahaa kuwii lagu fuliyey saraakiishii sameeyey inqilaabkii fashilmay oo uu ka mid ahaa Cornel Maxamuud Cirro, 1977kii.
Maxay ahayd Maxkamadii Badbadada Dalka?
Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Turunji oo ka soo shaqeeyey Maxkamadda Badbaada dalka ayaa xusay in xeer gooniya lagu asaasay Maxkamada, kaasoo uu soo saaray madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Maxkamadda ayaa qaadi jirtay dacwadaha adag sida dadka lagu soo eedeeyo Kacaan diidka, xatooyada xoolaha dadweynaha iyo kuwa kale, iyadoo inta badan kiisaska ay qaado xukun rididooda loo adeegsan jiray markhaatiyda maxkamadda horyimaada.
Xukunada Maxkamaddu rido ma lahayn racfaan laakin waxaa burrin karay oo kaliya cafis uu fidiyo Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Dadka dhaliila Maxkamaddaas ayaa sheegay inay ahayd mid si gaar ah ugu adeegi jiray milaterigii dalka maamulayey, iyadoo ciddii ka aragti duwanaata kacaanka xukunno ku ridi jirtay.
Jeneraal Maxamuud Geelle ayaa ifka uga tegey laba wiil iyo gabar.