Home Wararka Maanta Gudoomiyihii Dhawaan Codkiisa Baahiyeen Alshabaab oo Maantay Maxkamad lasoo Taagay

Gudoomiyihii Dhawaan Codkiisa Baahiyeen Alshabaab oo Maantay Maxkamad lasoo Taagay

0

Waxaa maanta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya lasoo taagay guddoomiye kuxigeenkii hore ee arrimaha bulshada degmooyinka Hodan iyo Xamar Weyne Abuukar Saalax Maxamuud oo lagu eedeeyay in Al Shabaab ku biiray.

Masuulkan hore ayaa lagu xiray magaalada Muqdisho kaddib markii Al Shabaab baahiyeen wareysi ay ka qaadeen uu ku sheegayay in uu ku qancay nidaamka Al Shabaab wax u wadaan uguna muujinayay kooxdaasi garab istaag iyo wada shaqeyn.

Xeer Ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa kusoo eedeeyay guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Hodan Abuukar in uu ku qancay fikirka Al Shabaab uuna ku biiray, waxa ayna ku eedeeyeen in wada dhaqeyn toos ah la lahaa kooxdaasi.

Maxkamadda horteeda ayeyna xeer ilaalinta kusoo bandhigeen wareysiyo uu bixiyay Abuukar kuna sheegayo dowladdii uu horey uga tirsanaa uu ka baxay, isagoona ku tilmaamay dowlad riddo ah.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee arrimaha bulshada degmada Hodan Abuukar Salaad oo maxkamadda kahor hadlay ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in uu ku biiray Al Shabaab, waxa uuna xusay in sababo ammaan iyo mid ganacsi darteed u tagay goob ay joogaan Al Shabaab, isagoona wareysiga ku sheegay in si qasab ah looga qaaay.

Qarreenada u doodayay Abuukar Salaad ayaa sidoo kale sheegay in ninkan ay difaacayaan uusan gelin dambiyada lagu soo eedeyay, waxa ayna sheegeen in xeer ilaalinta maxkamadda aysan la imaan caddeymo lagu qanci karo.

Guddoomiyaha Maxkamadda derajada koobaad ee ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray dhageysiga kiiska loo heesto Abuukar Salaad, waxa uuna sheegay in xukunka eedeysanaha maxkamadda go’aan kasoo saari doonto.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Safar kale oo deg deg ah Galay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Fariisimo Waawayn oo Alshabaab lahaayeen oo Cagta lamariyay