Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa cadeeyey in deegaanada ay beeshiisu ka degto gobollada Hiiraan iyo Galgaduud aysan ku jirin taako xor ah, oo dhamaan dhulkii beesha uu weli gacanta ugu jiro kooxda Al-Shabaab.
Nabadoon Xaad ayaa sidoo kale sheegay in cunaqabateyntii ay dowladdu saartay laga qaaday dadka degan degaanada iyo degmooyinka ay Al-Shabaab ka joogaan Galmudug.
Wuxuu sheegay in qorshihii lagu cunaqabateeyey dadka ku nool dhulka uu Shabaab joogo uu ahaa qorshe qaldan, isla markaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh amray in cunaqabateynta laga qaado dadka degan Ceelbuur iyo deegaanada lamidka ah.
Wuxuuna Nabadoon Xaad ku jawaabay “Dowladda ayaa hoggaamineysa qorshaha dagaal ee dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, meelna waa lagu kormaray, meelaha qaarna dib ayaa loo dhigay, dhulka Murusade degana taako aysan Al-Shabaab joogin ma jirto, sidaas darteed dadku ma dagaalami karaan oo cadowgii ayaa dul jooga.”
“Waxaa naloo sheegay in dagaal la qaadayo, ciidanka Murusade ee Muqdisho jooga waxay baxayaan berri, inta badan ciidankii beesha furimaha ayuu jiraa, laakiin kuwii Muqdisho u yimid inay amniga shirka sugaan ayaa hadda baxaya,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.
Nabadoonka ayaa sheegay in hadda dadka ku nool dhulka Shabaab heysto laga qaaday cunaqabateyntii, isagoo ku dooday in markii horaba lagu qaldoomay tallaabadaas.