Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale oo Shaaciyay in Shabaabkii laga Soo saaray Gobalada Ay Muqdisho...

Gudoomiye Madaale oo Shaaciyay in Shabaabkii laga Soo saaray Gobalada Ay Muqdisho Soo buux dhaafiyeen

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa shaaca ka qaaday in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo qoysaskooda ay kusoo qulqulayaan magaalada Muqdisho, xilli laga soo saaray deegaano badan oo dalka ka mid ah.

Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa bilihii dhowaa laga saaray inta badan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, hase yeeshee taasi kama hor-istaagin inay weerar ka fuliyaan caasimadda.

Guddoomiye Yuusuf Boorsaani ayaa ugu baaqay dadka ku nool magaalada Muqdisho inay isha ku hayaan dadkaasi Al-Shabaabka ah iyo qoysaskooda ah, soona sheegaan, inta aanay sameyn amni darro ah.

“Meesha bahallo-galeenka ah waa taqaaniin, cidda wax kasta soo dhoweysata waa taqaaniin, waa magaalada Muqdisho magaalada Muqdisho soo dhoweynta inaysan u dhiman ayaan rabnaa. Maalin kasta in la yiraahdo baabuur qarax sida ayaa meel hebel jooga ee khalkhald dadka ay ku noolaadeen, suuragal maaha,” ayuu yiri Yusuuf Boorsaani

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dagaallada looga horjeedo Al-Shabaab ay ka socdaan gobollada dalka, taasina ay keentay in markii lagu soo jebiyay ay carruurtooda iyo xaasaskooda soo geliyeen magaalada Muqdisho.

Muqdisho ayaa xaalad cabsi ah ku jirtay tan iyo intii uu dhacay Qarixii Zoobe ee labaad 29-kii October 2022, waxaana xarumo badan a dhigay ciidamo dheeraad ah, iyadoo la saadaaliyay inay qaraxyo dhici karaan.

Sidaas oo ay tahayna saddex habeen kahor un waxaa ka dhacay qarax kale oo lala beegsaday Xerada Jeneraal Dhegobadan, halkaasi oo lagu dilay shan dhallinyaro oo loo qorayey ciidan ahaan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Oo Ka Qeyb Galay Furitaanka Shirka Cimilada Adduunka.
Next articleP.M Xamze oo Goordhow U Dhoofay Dalka Dibadisa