Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Mabnuucay isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada, Taabuuga, Qamriga, Calaqa iyo Xashiishka, Guddoomiyaha ayaa sidoo kale amray in xiliga habeenka waxii ka dambeeyay 12:00 aysan furnaan karin goobaha lagu caweeyo.
Amarkan ayaa Duqa Magaalada Muqdisho ka sheegay kulan uu Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula qaatay ganacsatadii laheyd xarumihii dhawaan uu xiray Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana kulankan goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh).
Ad