Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in xilka laga qaaday guddoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir iyo tan racfaanka, waxaana loo magacaabay guddoomiyaal cusub oo bedelaya kuwii xilka laga qaaday.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Garyaqaan Salah Ali Dabaan, waxa uuna booska kala wareegayaa guddoomiyihii hore ee maxkamada gobolka Garyaqaan Cabdiqadar Maxamed.
Waxaa sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir isna loo magacaabay Garyaqaan Saciid Cali Maxamed (Saciid Gureey), oo horey wax badan uga soo shaqeeyay hay’adaha garsoorka dalka.
Isbadalkan lagu sameeyay garsoorka gobolka Banaadir ayaa kusoo aadeysa xilli madaxweyne Xasan Sheekh horey u ballanqaaday in isbadal ballaaran lagu sameenayo hay’addaha garsoorka dalka oo cabasho badan laga keenay
Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu
Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA
Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha