Home Wararka Maanta Gudoomiye Cali Jayte oo shaaciyey qorshe cusub oo dagaalka Al-Shabaab lagu...

Gudoomiye Cali Jayte oo shaaciyey qorshe cusub oo dagaalka Al-Shabaab lagu wajahayo

0

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo maalmihii dambe ku sugna magaalada Muqdisho ayaa shalay booqday xarunta Aqalka Sare oo ay ku qaabileen guddoomiyaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi, guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cali Shacbaan iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Cabdullaahi Timacadde.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa guddoonka Aqalka Sare uga warbixiyay halka ay marayaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, gaar ahaan gobolka Hiiraan ee uu ka yimid.

Jeyte ayaa waxa uu la wadaagay guddoonka muhiimada ay leedahay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada la mideeyo oo saf ballaaran laga dhigo si meel kali ah aan culayska dagaalka loo saarin, islamarkaana looga guulaysto Al-Shabaab.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa uga mahad-celiyay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan doorka muuqda ee uu ka qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu ku hogaamiyay shacabka gobolka Hiiraan oo gacan ka helaya ciidamada xoogga dalka.

Guddoomiye Jeyte ayaa dhowr bilood ka hor howl-galo guuleystay ka bilaabay meelo kamid ah gobolkaas, waxayna ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay ku guuleysteen inay deegaano badan kala wareegaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha qeyb ka yahay qorshaha la rabo in la iskugu xiro howl-galada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howl-galo culus.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo deegaano horleh kala wareegay kooxda Alshabaab
Next articleAl-Shabaab oo Canshuurta Ganacsatada Soomaalida ugu qaado xafiisyo u dhow Villa Somalia