Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee degmada Beled-xaawo Cabdifataax Nuur Mataan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Cabdifataax Nuur Mataan iyo askar la socotay ayaa qaraxa miino Daraad lagula eegtay gudaha degmadaasi, isaga oo xalay u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Sida ay ogaatay Warbaahintu, dhaawaca soo gaaray guddoomiye ku xigeenka ayaa loo waayay gurmad de-deg ah, si loogu soo qaado magaalada Muqdisho, sababo la xiriira ciriiriga ka jiray dhanka diyaaradaha, iyada oo mar dambe suuragashay in diyaarad qaas ah loo diro taasi oo shalay galab keentay Muqdisho oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya inay jirto dhimasho iyo dhaawac kale oo gaaray askartii la socotay mas’uulkaasi oo haatan la xaqiijiyay geeridiisa.
Gedo ayaa waxaa haatan ka jira dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwa ciidan oo ay ka dhex faa’iideysaneyso kooxda Al-Shabaab oo weli ku xooggan gobolkaasi.
Horay maleeshiyaadka kooxda ayaa qarax ugu dishay saraakiil iyo mas’uuliyiin sar sare, waxaana kamid ah taliyihii NISA ee Gedo Marxuum Bakaal Kooke oo sidaan oo kale qarax miino ay kooxda ugu dishay dabayaaqadii 2022-kii, xilligaas oo uu gobolku kacsanaa.
Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.
Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg
Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo