Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir oo maanta ka qayb-galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo la xiriira amniga caasimada iyo doorashooyinka.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeyn sii xoojinta amniga, si ay u suuragasho qabashada doorashadweyne ee qof iyo codka ah.
Amiir ayaa sidoo kale xusay in qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aadan in doorashooyinka ay qayb ka yihiin, ayna ku dadaali doonaan, sidii ay shacabka usoo dooran lahaayeen hoggaankooda.
“Waxaan rabaa inaan idin la wadaago ka guddoomiye iyo duq magaalo ahaan in amniga caasimada uu yahay hadafkayga koowaad, su ay u dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ah yoolka dowladda hadda jirta” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu raaciyay “Ammaanka hadda meesha uu marayo waa fiican yahay, haddane howl adag ayaa noo taallo, sidaa darteed waa inaan wada dadaalnaa oo gacmaha is qabsanaa”.
Waxaa kale oo uu farriin u diray bulshada Muqdisho oo uu ka dalbaday inay ku gacan siiyaan dhammaan qorshayaasha hormarineed ee uu wado maamulka gobolka Banaadir.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay dood xooggan ka taagan tahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo codka ah kasoo horjeedo maamullada Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.