Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Gudoomiye Amiir oo Qaaday Talaabo Dadka Muqdisho ku Farxeen Asagoon Madaale xilka...

Gudoomiye Amiir oo Qaaday Talaabo Dadka Muqdisho ku Farxeen Asagoon Madaale xilka wali kala wareegin

0

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh ka xigsaday culeys weyn oo toddobaadkaan ka soo wajahay ururka Haweenka Qaranka oo wasiirka Qoyska Bashiir Goobe uu gurigooda ku qabsaday.

Duqa Muqdisho Maxamed Amiir iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa maanta la kulmay xubnaha ugu sareeya ururka haweenka qaranka oo guddoomiyaha ururkaas Batuulo Gaballe ay hoggaamineyso.

Guddoomiyaha aan xilka la wareegin ee gobolka Banaadir ayaa ka hor inta uusan haweenka la kulmin wuxuu la soo kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo warbixin ka siiyey sababta Ururka Haweenka Qaranka ay uga cabanayaan dowladda.

Intaas kadib waxaa dhacay kulanka maanta, guddoomiyaha gobolka ayaa kulan la yeeshay haweenka careysan, wuxuuna la wadaagay labo farriin oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka sido.

1-Wuxuu u sheegay in Madaxweynuhu uusan raali ka aheyn wixii dhacay, isla markaana uu ka codsanayo inay is dejiyaan oo guryahoodii ku laabtaan, kana war sugaan dowladda, si kiiskaan xal looga gaaro.

2-Ama inay la kulmaan Madaxweynaha oo diyaar u ah inuu qaabilo, si cabashadooda ay ugu sheegtaan, waxayna qaateen tan dambe oo waxay codsadeen in loo geeyo Madaxweynaha, si ay uga dacwoodaan Bashiir Goobe.

Guddoomiye Amiir ayaa ururka haweenka qaranka ka codsaday in xaaladda ay dejiyaan, isagoo ka balan qaaday in Madaxweynaha uu la kulan sii doono, isagoo u sheegay in dowladdu ay ogsoontahay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku leeyihiin dowladnimada iyo samatabixinta dalkaan.

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in

Ciidanka Puntland oo lagu weeraray buuralayda Xabley ee Gobolka Bari

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib weerar ay xalay kooxda Daacish kusoo qaadday deegaanka Xabley ee degmada

Ciidanka Ahlu-suna oo dib loo dhisayo si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro Al shabaab

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay jirto dib u howlgalinta ciidamadii Ahlu Sunna ee Gobolada dhexe ka xoreeyay Al shabaab kuwaasi oo kusoo

Caalamka:- Dibad -baxyo xoogan oo ruxay Gobolo ka tirsan Dalka Turkiga

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa ka qayb qaatay banaanbaxyo ka dhacay guud ahaan dalka Turkiga, kadib markii ninka ay sida weyn u loolamayaan madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan, xabsiga
Ad
Previous articleGolaha Wasiirrada Xukuumadda  Soomaaliya ayaa xalay shir deg-deg ahaa ku yeeshay xafiiska ra’iisul wasaaraha
Next articleDagaal Qaraar oo Saakay Kasocda Magaalada Ceerigaabo iyo Maxabiis Durbaba Lakala Qabsaday