Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay dooda ka dhalatay xeerka Jinsiga ee uu horey u diideen Baarlamaankii hore.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal heynta ka dhalatay xeerkan oo maalmihii u dambeeyey qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ay su dhow ula socdaan walaaca Culimada Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan uga hadlay xeerkan oo la sheegay inuu ka hor imaanayo Diinta.
“Qof xaasidnimo ku jirto ama aqoon la’aan ay heyso warkooda aniga oo dhag u dhigeynin, laakiin hadda waxaan aragnay xeer ay ka hadashay Culimadii waxyaalo saas ah,” ayuu yiri.
Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hor hadlayey kulanka wadajirka ah ee xildhibaanada Gole ayaa soo saaray go’aan ka dhan xeerka Jnisiga, wuxuuna tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliyeed aan la horkeeni doonin wax ka hor imaanaya Diinta Islaamka.
“Xildhibaanada sharafta leh maanta labada Aqal waan fadhinaa midbaan idin caddeyneynaa oo idin ballan-qaadeynaaa wax Diinta Islaamka waafaqsaneyn,Dastuurkeena iyo shuruucda dalkana aan waafaqsaneyn inta aan qabano ma idin horkeeneyno” ayuu markale yiri.
“Shareecadeena iyo Dastuurkeena waa Diinta Ilaahey marka shacabka Soomaaliyeed yaan shaki la galinin wax aan Diinteena waafaqsaneyn nagama imaan doonaan,” ayuu raaciyey.
Dooda la xiriirta xeerka Jinsiga ayaa todobaadkan cirka isku sii shareertay, kadib markii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiyo Yaasiin ay wacad ku martay in la meel marin doono sharcigan ama ay isaga tegi doonto magaalada Muqdisho.