Home Wararka Maanta Gudoomiyayaasha Labada Aqal oo Kulan Xasaasi ah yeeshay iyo Baarlamaanka ansixin Doona…

Gudoomiyayaasha Labada Aqal oo Kulan Xasaasi ah yeeshay iyo Baarlamaanka ansixin Doona…

0

Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho xilli uu socdo qorshe baarlamaanka lagu marsiinayo rabitaanka Villa Somalia.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta hoygiisa ku booqday guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxayna ka wada-hadleen shaqada baarlamaanka 11-aad, sida uu shaaciyay xafiiska guddoonka.

Labada guddoomiye ayaa isla soo hadal qaaday xoojinta iyo dardar-gelinta wada shaqeynta baarlamaanka labadiisa aqal iyo ka wada-shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.

Kulanka labada masuul ayaa imanaya saacado un kadib markii guddiga joogtada ee Golaha Shacabka uu ansixiyay ajendayaasha horu-tebinta u leh kulamada guud ee todobaadka soo socda, kadib kulan ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Sidoo kale waxa uu imaanaya kulankaan xilli ay Villa Somalia dooneyso in baarlamaanka marsato sharciyada qabyada u ah hanaanka doorasho ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhagan yahay ee qof iyo cod.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan golaha wasiirrada ee dowladda federaalka ah marsaday sharciga doorashooyinka iyo midka axsaabta, iyada oo mucaaradka ay diidan yihiin.

Waxaa kale oo marhore baarlamaanka loo gudbiyay sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka. Fadhiyada soo socda ee baarlamaanka ayaa la rabaa in saddexdaas arrimood diirada lagu saaro, inkasta oo hadda jihadii baarlamaanka ay kala qeybsantay.

Lama oga sida ay Villa Somalia ku marsan doonto rabitaankeeda baarlamaanka, iyada oo dhinaca kalena ay ku furan tahay xiisadda Koonfur Galbeed, oo markii hore ay xildhibaannadeeda ay jireen dhanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse ay hadda ku kala furteen khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Lafta-gareen.

Ad
Previous articleMasar iyo Maraykanka oo Dhabarka u jeediyay Itoobiya Taageerayna Soomaaliya