Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Gudoomiyayaasha Goloha Shacabka Iyo Aqalka Sare oo Ka wada Hadlay Jadwalka Doorashada...

Gudoomiyayaasha Goloha Shacabka Iyo Aqalka Sare oo Ka wada Hadlay Jadwalka Doorashada Madaxweynaha

0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo xubno la socday.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay kal-fadhiga Baarlamaanka ee loo balansan-yahay May 04,2022 in uu noqon doono mid wadajir ah, waxaana looga hadli doonaa arrimaha doorashada madaxweynaha dalka iyo miisaaniyada dowladda ee sanadkan 2022-ka.

Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale isla soo qaaday mudeynta maalinta ay noqoneyso doorashada madaxweynaha, iyadoo xubno kulanka ka qeyb galay ay sheegeen iney isku raaceen labada mas’uul in doorashada la dadajiyo oo aaney dhaafin bishan May, si looga faa’ideysto waqtiga yar ee harsan.

Gudoomiyaha cusub ee golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo shala xilka si rami ah ula wareegay kadib markii 27-kii bishan la doortay ayaa maalmahan waday kulamo kala duwan, isagoo la kulmay Farmaajo, Rooble, musharixiinta mucaaradka iyo siyaasiyiin, wuxuuna badankood kala hadlayay doorashada madaxtooyada iyo shqqada baarlamaanka.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleMuusa Biixi oo Cafis u Fidiyay Maxaabiis ka Badan 300
Next articleDeg Deg: Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya oo Xildhibaan Loo Doortay